هل السنة والجماعةI

AHLU SUNNA WALJAMAA`AH GÖTEBORG


     

IXTIFAALKA XUSKA DHALASHADA NABIGEENA SUUBBAN EE MUXAMAD IBN CABDULAAHI OO LAGU QABTAY MAGAALADA GOTHENBURG.

Sida caadada u ahayd Ahlu Sunna Wal Jamaac, waxaa xalay fidnimadii oo ay taariikhdu ahayd 7-3-2009 lagu qabtay Magaalada Göteborg, gaar ahaan Xaafadda Gårdsten Centrum, Xaflad aad u ballaaran, oo si heer sare ah loo agaasimay taasoo oo lagu maamuusayay ”dhalashadii rasuulkeena suubban NNKH”MUXAMAD IBN CABDULLAAHI BIN CABDULMUDALIB.

                      

Habeenkii Nabigu (scw.) dhashay, waxay Dunida oo idil u ahayd habeen farxad badan, maxaa yeelay waxaa Dunida lagu soo dhawaynayay khalqiga oo idil kii ugu khayrka badan Maxamed bin Cabdillaahi”.Sanad kasta markii la gaaro Bisha Rabiicul-Awal ayay Muslimiinta soo cusboonaysiiyaan ama sii kordhiyaan Farxaddii & maxabbadii ay Nabiga scw. u qabeen, waxayna u dabaaldagaan sidii maalin Ciid ah oo kale, waxaana caado u noqotay Muslimiinta in ay Xuska dhalashada Nabiga scw. kulanno sameeyaan ,Masaajidada iyo meelaha kale ee muqaddaska ah iyo weliba goobaha ay ummaadu ku kulanto lagu akhriyo ”SIIRADII NABIGA SCW.”, isla markaana dadka la wacdiyo oo loo sheego wixii Rabbi uu xarrimay iyo wuxuu xalaaleeyayba

  

Haddaba, Xafladda xalay ka dhacay Gådsten Centrum,  waxaa ka soo qayb galay dad aad u fara badan oo ku abtirsada Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee deggan Magaalada Göteborg iyo agagaarkeeda,iyo kuwo kale oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan oo ku yaal dalkan Sweden (Stockholm,Malmö,Örebro) iyo waddamada Norwey iyo Danmark iyo Finland ayagoo farxad iyo reyn reyn ah  ka muujiyeen goobtaas, aad iyo aadna uga qushuuceen siiradii Nabigeena SCW iyo wacdiyadii diimeed ee halkaa looga aqriyay.

          

Mawliidka Nabigu (SCW.) wuxuu kordhiyaa iimaanka dadka ”Muuminiinta ah ”, laakin wuxuu dhib ku yahay dadka Gaalada ah, Shayaadiinta, Bidcada iyo Qof kasta oo caqiido qalloocan aaminsan.

Waxaa lagu yaqaan dadka iimaanka leh in ay Nabiga amaanaan, kana jecelyihiin naftooda iyo cid kastaba, laakin waxaa soo baxay baryahaan dambe dad markii ay arkaan iyadoo Nabiga SCW. la xusayo ama la amaanaayo ”QANDHO QABANAYSO”, mararka qaarkoodna Nabiga meel uga dhacaya, sida in ay yiraahdaan ”Waxba ma tari karo, aabihiis naarta ku jiraa  iwm.”

            

Xafladda waxay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan, waxaana halkaas loogu duceeyay Muslimiinta oo dhan, gaar ahaan Walaalaheena Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Waddanka gudihiisa in uu Ilaahay ka qaado dhibaatada & murugada, uguna beddelo naxriistiisa iyo raxmadiisa. Waxaa Eebbe laga  tuugay in Dalka Soomaaliya uu Nabad iyo xasilooniba ku soo celiyo, ummaddana u fidiyo nolol ay ku dheehan tahay bash bash iyo barwaaqo, quluubtoodana uu mid ka dhigo, intii fidno & dhibaato ku hayso shacbiga soomaaliyeedna uu Ilaah ka qabto,kana badbaadiyo fidnadooda, dhagarkooda & musiibadoodaba. Aamiin. Aamiin.

                  

Waa Billaahi Towfiiq.

 

 

 

 

 

      

         XUSKII NABI MAXAMED S.C.W.2008


Habeenkii Nabigu (scw.) dhashay, waxay Dunida oo idil u ahayd habeen farxad badan, maxaa yeelay waxaa Dunida lagu soo dhawaynayay khalqiga oo idil kii ugu khayrka badan ”Maxamed bin Cabdillaahi”.


Sanad kasta markii la gaaro Bisha Rabiicul-Awal ayay Muslimiinta soo cusboonaysiiyaan ama sii kordhiyaan ”Farxaddii & maxabbadii ay Nabiga scw. u qabeen”, waxayna u dabaaldagaan sidii maalin Ciid ah oo kale, waxaana caado u noqotay Muslimiinta in ay Xuska dhalashada Nabiga scw. kulanno sameeyaan, cunto iyo cabitaan dadka loogu deeqayo, halkaana lagu akhriyo ”SIIRADII NABIGA SCW.”, isla markaana dadka la wacdiyo oo loo sheego wixii Rabbi uu xarrimay iyo wuxuu xalaaleeyayba.


Haddaba, shalay oo ay taariikhdu ahayd 22 Mars 2008 ayaa Magaalada Göteborg, gaar ahaan Gårdsten Centrum (Gårdsten Skola) ka dhacay xus wyn oo ay ka soo qayb galeen Muslimiin badan oo ka kala yimid Magaalooyin kala duwan ee ka tirsan Dalka Sweden oo ay ka mid tahay Stockholm oo Siiradii Nabiga scw. iyo QASAA’ID ammaantiis ah ba laga akhriyay, Muslimiintana guud ahaan looga duceeyay, lana wacdiyay, dadkii Xafladda Ixtifaalka Mowliidka Nabiga scw. ka soo qayb galena ”cunto & cabbitaano loogu deeqay”.


Culumada ka soo qayb galay Xuska Nabiga scw., waxaa ka mid ahaa: Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxiydiin Cile, Sheekh Maxamuud Cabdi Sabriye, Sheekh Cusmaan Xaaji, Sheekh Daahir Axmed, Sheekh Muxsin oo ah nin Swedish ah, Ahlu Sunna Wal Jamac ahna iyo Culumo badan oo aan halkan magacyadooda lagu soo koobi karin.


Sidaa si le’eg waxaa Ixtifaalka Mowliidka Nabiga scw.lagu qabtay taariikhdu markay ahayd 15-kii bisha aynu jirno Caasimadda Dalka Sweden (Stockholm), waxaana ka soo qayb galay Culumada magacyadooda kor ku xusan iyo Sheekh Maxamuud Gurricel.


 

Mawliidka Nabigu (SCW.) wuxuu kordhiyaa iimaanka dadka ”Muuminiinta ah ”, laakin wuxuu dhib ku yahay dadka Gaalada ah, Shayaadiinta, Bidcada iyo Qof kasta oo caqiido qalloocan aaminsan.

Waxaa lagu yaqaan dadka iimaanka leh in ay Nabiga amaanaan, kana jecelyihiin naftooda iyo cid kastaba, laakin waxaa soo baxay baryahaan dambe dad markii ay arkaan iyadoo Nabiga SCW. la xusayo ama la amaanaayo ”QANDHO QABANAYSO”, mararka qaarkoodna Nabiga meel uga dhacaya, sida in ay yiraahdaan ”Waxba ma tari karo, aabihiis naarta ku jiraa iwm.”


Waxaana aad u kala fog kuwa Nabiga ammaanaya iyo kuwa aflagaadaynaya, sida uu yiri Saxaabigii waynaa ”Xasaan bin Thaabit”, sidaas darteed, ha laga digtoonaado dadka ku sifoobeen akhlaaq xumadaas.

Ilaah ayaan ka tuugeynaa in uu Sanadka dambana Nabiga scw. xuskiisa Nabad, Caafimaad, Bash-Bash iyo Barwaaqo nagu gaarsiiyo. Aamiin.

        

                

                              

Waa Billaahi Towfiiq


Waxaa Diyaariye

Idaaradda A.S.W. ee Göteborg

Create a free website at Webs.com